Ilhan Cumar Oo u Jawaabtay Madaxweyne Trump, kuna Eedeysay 9 Qodob

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo si adag uga jawaabtay eedeymo uga yimid Donald Trump, kuna soo bandhigtay tallaabooyin ay ku tilmaamtay “ceeb qaran”

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo iyo eedeymo dhowaan uga yimid Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Ilhaan ayaa jawaabteeda ku muujisay qoraal dheer oo ay ku soo bandhigtay 9 qodob oo ay ku tilmaantay kuwo muujinaya fashilka, xadgudubka iyo musuqmaasuqa ka jira hoggaaminta Trump inta uu xilka hayo.

Qoraalkeeda ayay cinwaan uga dhigtay “Xilliga Dahabiga ah ee Trump”, cinwaan ay u adeegsatay si kaftan iyo dhaliil isugu jirta, iyadoo muujinaysa in waxa Trump ugu yeeray horumar iyo guul ay dhab ahaan yihiin dhibaatooyin waaweyn oo saameeyay shacabka Mareykanka iyo sumcadda dalkaas.

Ilhaan Cumar ayaa mid mid u faahfaahisay qodobada ay ku eedeysay Trump, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1-Ciidamada Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) oo ay sheegtay inay dileen muwaadiniin Mareykan ah, isla markaana ay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay.

2-Baaritaanno iyo tallaabooyin isir ku saleysan oo si baahsan uga socda gudaha dalka, taasoo ay ku tilmaantay mid si toos ah uga hor imaanaysa dastuurka Mareykanka.

3-Cadaadis iyo dhibaato lagu hayo muwaadiniinta isticmaalaya xuquuqdooda dastuuriga ah, sida xorriyadda hadalka, mudaaharaadka iyo saxaafadda.

4-Jarista kaalmada iyo adeegyada caafimaadka, taasoo si gaar ah u saameysay dadka danyarta ah, waayeelka iyo dadka qaba cudurrada daba-dheeraada.

5-Kharashaadka daryeelka caafimaadka oo sii kordhaya, iyadoo shacabka laga qaaday culeys dhaqaale oo hor leh.

6-Howlgallo ay ku tilmaantay sharci-darro oo Mareykanku ka fuliyay dalal kale, gaar ahaan Venezuela, taasoo ay sheegtay inay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah.

7-Hanjabaado la xiriira jasiiradda Greenland, oo ay ku tilmaantay kuwo muujinaya siyaasad dibadeed oo aan bisleyn.

8-Qarinta ama daboolidda kiiska Jeffrey Epstein, maalqabeenkii caan baxay ee lagu eedeeyay kufsi iyo ka ganacsiga carruurta, taasoo Ilhaan ku tilmaantay fadeexad culus oo wali aan si hufan loo wajahin.

9-Canshuuro sii kordhaya iyo qiimaha maciishadda oo sare u kacay, iyadoo Trump uu ballanqaaday horumar dhaqaale, balse nolosha shacabka ay sii adkaanayso.

Ilhaan Cumar ayaa ku adkeysatay in dhammaan arrimahan ay muujinayaan hoggaan aan u daneyn shacabka, kana shaqeynaya dano gaar ah iyo siyaasad kala qaybin ku dhisan.

Dhinaca kale, khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Donald Trump ma ahan mid cusub, balse waa mid soo jiitamayay muddo dheer.

Trump ayaa marar badan weerarro afka ah ku qaaday Ilhaan, isagoo gaarsiiyay heer uu xitaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyo ama ku lug yeelo doodda, sababo la xiriira in Ilhaan Cumar asal ahaan tahay Soomaali.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.