Imaaraadka Carabta Oo Sheegay inay Nidaamyada Difaaca Dubai iyo Magaalooyinka kale la tacaalayaan weerarrada Iran

Wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa hadda ku dhawaaqday inay nidaamyada difaaca Dubai iyo magaalooyinka kale la tacaalayaan weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay werisey Al Jazeera.

Weerarradan waxay ka dhacayaan Imaaraadka,saacado ka dib markii Madaxweynaha Imaaraadka Carabta uu jeediyay hadallo u muuqday hanjabaad ka dhan ah Iiraan, balse hadallada ma joojin weerarada oo qaraxyo ayaa laga maqlayaa gudaha Dubai.

Wasiirka Arrimaha-dibedda Turkiga Hakan Fidan oo dhaliiley Iiraan: “Weerarrada ka dhanka ah Qatar, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn waxay khatar geliyeen nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waxayna kordhinayaan suurtagalnimada in dagaalku faafo.”

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya