Imaaraadka iyo Morocco Oo Geeyay Itoobiya Diyaarado ka Qayb-galaya Dhoola-tuska Ciidamada Cirka Itoobiya

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa geeyay Itoobiya dhowr diyaaradood oo ka mid ah kuwa dagaalka ee casriga , si ay qeyb uga noqdaan bandhigga lagu xusayo aasaaska ciidanka cirka Itoobiya oo shalay billaabatay.

Bandhigga waxaa lagu arkay diyaarado ka tirsan Ciidamada Cirka Imaaraadka, oo ay ku jirto Dassault Mirage 2000, oo ah diyaaradda dagaal ee Faransiiska laga sameeyo, hawlo badana qabata iyo Boeing AH-64 Apache, oo ah diyaarad qumaati u kacda oo Maraykanka lagu sameeyo, kuna qalabaysan nidaamyo sahan iyo gantaallo hagitaan leh. Sidoo kale, Morocco ayaa geysay badhiggaa diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16 Fighting Falcon. Tallaabo ay labadan dal ku soo bandhigayeen xiriirka iskaashiga wadajirka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya.

Maxay tani ka dhigantahay?

Go’aanka ay Imaaraadka iyo Morocco diyaaradahan ku geeyeen dhulka Itoobiya, waa dharbaxo istaraatiji ah oo lagu dhuftay Masar, sabab la xiriirta sirdoonka Masaarida taariikhdooda oo dhan waxay daba socdeen horumarka Itoobiya ee dhinaca cirka , maaddama dagaal kasta oo labadan dal ee cadowga isku ah uu noqonayo mid ku tirsan weerarrada hawada, waxayna Masar u aragtaa horumar kasta oo ciidanka cirka Itoobiya , inay tahay khatar istaraaji ah, balse hadda waxay arkaysaa Masar , in dalal Carbeed oo kula jira ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka oo hubeynaya cadowgooda taariikhiga ah.

Ma aha in tan loo qaato wax la yaab leh, sabab la xiriirta isbeddelka ka dhacaya dunidda wuxuu meesha ka saaraya xulafadii hore , waxaa daqadaha laga soo tuuraya warqad kasta oo lagu qoray aragtiyadii soo jireenka ahaa ee ururrada iyo isbahaysiyada, waxaana dhismaya xulafo cusub oo qaarkood jihooyin aan laga filan ka soo jeesanaya!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.