Imaaraadka Carabta ayaa sheegay iney si wayn uga xun yihiin in gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta ansixin qaraarkii lagu joojinayay weerarada Iiraan ay ku qaadayso maraakiibta maraya marin biyoodka Hormus iyo hanjabaadaha ay ku hayso dhaqaalaha caalamiga ah.
Imaaraadku wuxuu sheegay iney muhiim tahay in marinka Hormus uu u furan yahay dhamaan maraakiibta, Isla markaana uusan jirin Dal awood u leh inuu xidho wadooyinka wadooyinka ganacsiga caalamiga ah.
Imaaraadku wuxuu sheegay in gollaha ammaanku uu arintan ku fashilmay, waxayna sheegeen iney sii wadayaan dadaalada caalamiga ah ee dib loogu furayo marin biyoodka Hormus.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kuweyt ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkooda iney guryahooda joogaan oo ay kasoo bixin laga bilaabo saqda dhexe ee caawa ilaa 6-da subaxnimo ee berri.
Xaalada gobolka ayaa aad u kacsan, waxaa laga cabsanayaa in gobolku uu saqda dhexe ee caawa galo xaaladii ugu darneyd.
Sidoo kale qaar ka mid ah Dalalka Carabta ayaa dadkooda faray in aysan dibed u soo bixin caawa, cabsi laga qabo weerarro culus oo ka yimaadda Iiraan, ka dib markii ay natiijo la’aan noqdeen dedaalladii lagu dejinayey dagaalka Bariga-dhexe, iyada oo Trump uu ku adkaystay in uu weerar aan hore loo arag ku ekeyn doono Iiraan.
Iiraan ayaa iyana sheegtey in aysan waxba ula hadhayn Mareykanka & dal kasta oo uu saldhig ku leeyahay, siday werisey wakaaladda Kacaanka ee Fars.

