Iraan Oo Weerartay Qatar iyo Kuwait

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Difaaca ee Qatar ayaa sheegtay inay ka hortagtay dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkaasi oo soo galaya hawadeeda, kaddib weerar ay Iiraan qaadday.

Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay qabteen labo gantaal iyo 13 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn. Qatar iyo Kuwait oo iskaashanaya ayaa ka hortagay dhowr weerar oo Iran ah.

Gantaal laga soo tuuray Yemen oo lala eegtay Israa’iil

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen lagu soo riday dhulkooda.

Nidaamyada difaaca cirka ayay sheegeen ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa khatarta gantaallada.