Iran Oo ku Goodisay in laga Qoomameyn Doono Weerar kasta oo lagu soo Qaado

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa wa rsaxaafadeedkiisa toddobaadlaha ah kaga hadlay joogitaanka sii kordhaya ee militeriga Mareykanka ee gobolka.

Wuxuu sheegay in Iran ay si buuxda ugu kalsoon tahay awooddeeda difaac, isla markaana ay xasuusan tahay waayo-aragnimadii bishii June, taas oo uu ku tilmaamay mid Iran u noqotay cashar muujinaya awooddeeda milateri.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in haddii Iran la soo weeraro ay bixin doonto jawaab ka xoog badan tii hore, isla markaana ay ka qoomameyn doonaan cid kasta oo ku soo gardarroota.

Baghaei wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Iran iyo Israel, isagoo sheegay in dagaalkaasi caddeyn u ahaa sida Iran u leedahay awood ay iskaga difaacdo cadowgeeda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in bilihii u dambeeyay Iran ay la kulmeysay khataro cusub oo kaga imaanayay Mareykanka iyo Israel, kuwaas oo uu tilmaamay in aysan halis ku ahayn Iran oo keliya balse ay khatar ku yihiin guud ahaan amniga gobolka.

Afhayeenku wuxuu xusay in dalalka gobolka ay si wanaagsan u fahamsan yihiin in amni-darrada ka jirta Bariga Dhexe aysan ku koobnayn hal dal, balse ay saameyn ku yeelan karto dhammaan waddamada ku yaalla gobolka. Arrintaas ayuu ku sababeeyay walaaca sii kordhaya ee dalalka gobolka ka muujinayaan xiisadaha jira.

Ugu dambeyn, Baghaei wuxuu sheegay in maraakiibta militari ee gobolka la keenayo aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Iran iyo awooddeeda is-difaac, isagoo adkeeyay in Iran ay weli diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.