Wednesday, April 8, 2026

Iran Oo ku Hanjabtay Inay sii Wadi-doonto Weerarada Israel Hadii ayna Joojin Duqaynta ay ku Hayso Lubnaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarradooda haddii aan la joojin duqeymaha ay Israa’iil ka gaysanayso Lubnaan, iyadoo heshiiskii xabbad-joojinta ee xalay la gaaray uu sheegay ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif inay qayb ka tahay joojinta weerarrada Lubnaan, balse Israa’iil ayaa sii waday weerarradaa Netanyahuna wuu sheegay inaysan Lubnaan qayb ka ahayn xabbad-joojinta, sida ay baahisay Al Jazeera.

ciidanka Iiraan kaliya hanjabaad ma dirin ee sidoo kale waxay si adag u weerarreen dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba sheegay inay tan iyo saakay la kulmeen weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka yimid Iiraan, taasoo u muuqata inay Iiraan ku sheegayso; haddii aysan Lubnaan qayb ka ahayn xabbad-joojinta dalalka khaliijkuna qayb kama aha, sida ay werisey wakaaladda wararka ee AFP.