Iran Oo Sheegtay Inay si Togan Mar kale u Eegayso spp Jeedinta Xabad-joojinta Pakistan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sarkaal sare oo u hadlay Iran, kana gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Tehran ay si togan u qiimeynayso codsi ka yimid Pakistan oo ku saabsan xabbad-joojin soconaysa muddo laba toddobaad ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in Iran ay heshay soo jeedinta, isla markaana ay weli ku guda jirto dib-u-eegis, balse aysan aqbali doonin wax cadaadis ama waqti kama dambeys ah oo lagu qasbo go’aan degdeg ah.

Pakistan ayaa isku dayaysa inay dhexdhexaadiso xiisadda sii kordheysa, iyadoo soo jeedisay xabbad-joojin ku meel gaar ah si fursad loogu siiyo wadahadallo diblomaasiyadeed oo lagu yareeyo colaadda.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa la sheegay inuu ka warqabo soo jeedinta Shehbaz Sharif ee ku saabsan kordhinta muddada laba toddobaad ee la xiriirta arrimaha Iran.

Sida uu sheegay wargeyska Axios, afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa xaqiijisay in Trump la ogeysiiyay soo jeedinta, isla markaana jawaab laga bixin doono.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisado la xiriira Iran ay weli taagan yihiin, iyadoo la sugayo jawaabta rasmiga ah ee ka iman doonta Washington.

Si kastaba ha ahaatee,Iran ayaa sheegaya in aysan doonaynin xabbad-joojin ku meel gaar ah oo keliya, balse ay doorbidayso xal waara oo si buuxda u soo afjara dagaalka