Iran oo Markale Beegsatay Markabkii Mareykanka ee USS Abraham Lincoln.

Dowladda Iran ayaa sheegatay in markale ay gantaalada maraakiibta la beegsatay markabka Mareykanka uu ku faano ee USS Abraham Lincoln.

Markabkan ayaa xambaara diyaaradaha dagaalka waxaana laf dhabar uu u ahaa howlgalka Mareykanka iyo YHD ay kula dagaalamayaan Iran.

Sidaan oo kale ayaay iran horaantii dagaalka u beegsatay Markabkan kaas oo dhaawac weyn uu gaadhay, Markaasi kadib Mareykanka ayaa sheegay in markabka USS Abraham Lincoln uu gaadhay xeebaha gariiga si loo hagaajiyo.

Sheegashada Iran ee duqeynta Mareykankan ayaa imaaneysa xili ay maanta kuriday gantaalla xarun korontada laga dhaliyo oo kutaala meel udhaxeysa Taliyaha iyo xayfa.

Dagaalka iran ayaa hada noqday mid bartilmaameedyadiisa laga fakara halka markii hore la arki jiray gantaallaha iran oo dhul banaan qaar kudhacayaan, tani waxaay muujineysaa in talaabooyinka iran ay yihiin kuwa loogu talagalay wax walba siday udhacayaan isla markaana ay haysa xogo sirdoon oo muhiim ah.

Related posts

“Xasan Sheekh In Shabeelaha Hoose Hawiye inuu ku Wareejiyo ayuu Rabaa” Wasiir KGS

Booliska Israa’iil Oo Sheegay In Gantaal Xisbulaah soo Tuurtay Uu ku Dhacay Xaafada ku Taalla Magaalada Kiryat Shmona

Iiraan: “Weerarada Israa’iil Aan ku Qaadno Waxay Jawaab u yihiin Hanjabaadaha Trump..”