Iyadoo saacado yar naga xigaan xilliga loo ballansanyahay wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, ayaa Press TV oo ah telefishan ku baxa afka Ingiriisiga kana tirsan Hay’adda Warbaahinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, wuxuu baahiyay warbixin ku saabsan gantaalka Khorramshahr-4 ee Iran.
Warbixintu waxay sheegtay in “mid ka mid ah gantaallada ballistic-ga ah ee ugu horumarsan uguna dheereeya laguna magacaabo Khorramshahr 4, lagu rakibay mid ka mid ah magaalooyinka gantaallada dhulka hoostiisa ku yaalla ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.”
Telefishinka ayaa sheegay in Khorramshahr-4 uu gaarayo masaafo ahaan laba kun oo kiiloomitir, isla markaana uu qaadi karo madaxyada-qaraxa miisaankiisuna uu yahay 1,500 kiiloogaraam.
Warbaahinta dawladda Iran, oo ay ku jirto Wakaaladda Wararka ee Fars, ayaa saacadihii hore ee maanta sheegay in “intii lagu guda jiray soo bandhigista gantaallada ee Ciidanka Hawada iyo Gantaallada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, mid ka mid ah gantaallada ballistic-ga ah ee ugu horumarsan Iran lagu arkay qalabka hawlgalka ee lagu rakibay xaruntaas.”
Warbixintu waxay intaas ku dartay in “ diyaarinta gantaalka Khorramshahr 4 ay ku soo beegantay isbeddel ku yimid istaraatiijiyadda ciidamada qalabka sida ee Iran, oo ka wareegtay “difaac” una weecday “weerar,” isla markaana ay gudbinayso farriin cad oo ku socota cadawga gobolka iyo kuwa ka baxsanba.
19-kii Juun, xilligii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood qaatay ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Iran, Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa warbixin ay ka soo xigatay bogga Defense Press ku sheegtay: “Madaxyada-qaraxa oo uu sido gantaalkani uu abuuri karo xaalado keeni karta khasaare culus oo soo gaara saldhiga militari oo Maraykan oo ku yaalla gobolka Galbeedka Aasiya; tusaale ahaan, mid ka mid ah saldhigyada militariga Maraykanka ee Imaaraadka Carabta, haddii saddex ama afar gantaal oo Khorramshahr 4 ah lagu rido.”
Maqaalku wuxuu sidoo kale sheegay in gantaalka “Khorramshahr 4” uu noqon doono mid ka mid ah “qalabka awoodda leh ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” isla markaana xitaa saldhigyada militariga Ingiriiska ee gobolka, oo ay ku jirto saldhig ku yaalla Qubrus ay ku jiraan masaafo uu gaari karo.
