Iran oo sheegtay in dowlada isku taga Imaaraatka ay si toos ah usoo gashay dagaalka ka dhanka ah dhulkeeda.
Iran ayaa si toos ah diyaaradaha droneska iyo sawaariiq ku ridaysay dalalka Khaliijka haba ugu sii darnaato dalka Imaaraatka oo imika seefta galka kala baxay.
Beryahanba waxay carbis ku wadeen diyaaradaha qaaliga ah ee kasoo iibsadeen mareekanka sanado ka hor.
Dowlada Senegal ayaa masuuliyiinta dowlada ka joojisay safarada bilaa macnaha ah
Dowlada Senegal ayaa masuuliyiinta dowlada ka joojisay safarada bilaa macnaha ah ay ugu bixi jireen dalka dibediisa, iyagoo sheegay iney soo socdaan wakhtiyo aad u adag.
Ra’iisul wasaaraha Senegal oo ka hadlayay munaasibad dhalinyaro oo ka qabsoontay magaalada xeebta ah ee Mbour ayaa sheegay in Senegal joojisay dhamaan safarada dibeda ah ee aan muhiimka ahayn ee masuuliyiinta dalkaasi ugu bixi jireen dalalka dibeda ah, isagoo tibaaxay iney soo socdaan xiliyo adag isla markaana uu shiidaalkii ku dhow yahay laba jibaar qiimihii la siin jirey markii hore.
Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, Seth Moulton, ayaa yiri:
“Madaxweyne Trump wuxuu la mid yahay qof ku tuntay buul shinni ah oo cagtiisu ku xayirmatay.Hadda ma garanayo sida uu uga bixi karo xaaladdan.
Maxuu sameyn doonaa?
Waxaa laga yaabaa inuu sameeyo falal halis ah, xitaa kuwa loo arki karo dambiyo dagaal, si uu uga baxo dhibaatadan.”
Maxaad ka Ogtahay Diyaarada laga soo Riday Maraykanka
Diyaaraddan F-15E Strike Eagle ayaa markii ugu horreysay la hawlgeliyay sannadkii 1988, iyadoo ka mid noqotay tiirarka awoodda cirka ee Mareykanka.
Waa diyaarad dagaal oo noocyo badan leh (multi-role), taas oo awood u leh inay qabato hawlgallo kala duwan sida dagaalka hawada (air-to-air combat) iyo weerarrada dhulka (ground attack missions), taasoo ka dhigaysa mid aad u dabacsan oo muhiim u ah ciidamada cirka.
Diyaaraddan waxa saaran laba qof oo shaqaale ah: duuliye (pilot) iyo sarkaalka hubka gacanta ku haya (weapons systems officer), kuwaas oo si wadajir ah u maamula hawlgalka iyo adeegsiga hubka.
Markii ugu horreysay ee la soo saaray, qiimaha hal diyaarad wuxuu ahaa qiyaastii $31 milyan, balse noocyada casriga ah ee hadda la isticmaalo ayaa qiimahoodu gaarayaa ku dhowaad $100 milyan, taasoo ka tarjumaysa horumarka tiknoolajiyadda iyo qalabka casriga ah ee lagu kordhiyay.
