Iran oo Xad-gudub cad ku Sifeysay Wafdigii Israel ee Booqday Somaliland

by Heemaal
1 minutes read

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa si adag u cambaareeyay gelitaanka sharci-darrada ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil uu ku yimid Somaliland, isagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Baghaei wuxuu xusay in beesha caalamka marar badan ku celisay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ah dal madax-bannaan kana tirsan Qaramada Midoobay.

Afhayeenku wuxuu tallaabooyinka Israa’iil ku tilmaamay kuwo lagu doonayo kala-qaybinta Soomaaliya, isla markaana ah tusaale halis ah oo wax u dhimaya xiriirka caalamiga ah iyo dhirbaaxo culus oo ku dhacaysa saldhigyada sharci iyo qiyam ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Baghaei wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ballaaran oo dhex mara beesha caalamka, dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika, si looga hortago wiiqidda madax-bannaanida qaranka ee Soomaaliya.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.