Iran:-“Sacuudiga waxaanu u Xaqiijinay Inay-na Iran Fulin Weeraradii Maanta ku Dhacay..”

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iiraan, Majid Takht-Ravanchi ayaa waxyar ka hor u sheegay CNN; “ Waxaan la xiriirnay walaalaheen Sacuudiga, waxaana u xaqiijinay inaysan Iiraan fulin weerarradii maanta ka dhacay warshadaha iyo xarumaha shidaalka.”

Yeytahay cidda kale ee beegsatay warshadaha lagu sifeeyo shidaalka Sacuudiga oo maanta la qarxiyay?

Ma waxaa jira dhinac kale oo xiisadan ka faa’iideysanaya, si Carabta loogu qasbo inay oggolaadaan sii socoshada duullaanka ka dhanka ah Iiraan ?

Hadalkan Iiraan ka soo baxay wuxuu shaki galinaya inay cid kale fulinayso weerarrada lagu burburinayo kaabayaasha dalalka khaliijka! Mise Iiraan ayaa adeegsanaysa istaraatijiyada shaki lagu dhalinayo? Waqtiga ayaa xaqiijin doona

Screenshot

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan