Iran uma hanqal taagayso dagaal, balse ma aha dal ka tanaasulaya xuquuqdiisa, ayuu si adag u caddeeyay Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas, Mojtaba Khamenei, war rasmi ah oo laga baahiyay telefishinka qaranka.
Hoggaamiyaha !ran, Mojtaaba ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay guul wayn ka gaadhen duullankii lagu soo qaaday. Wuxuu kaloo sheegay in ay dalban doonan in si dhamaystiran loogu mag-dhabo khasaarihii ay wajaheen. Wuxuu raaciyay in dhiigga qofkastoo dhintay ay ka doonayan mag-dhaw.
Marinka Hormuz, qaab cusub oo loo maamulo in ay soo kordhin doonan ayuu xusay.
“Dalalka Carabku Eax hanaga bartaan.
Dalalka Carabta ayuu digniin u dirray. Wuxuu u soo jeediyay in ay wax ka bartaan mucjisada ku gadaaman adkaysiga ay !ran muujisay. Wuxuu uga digay in ay aaminan ballamaha beenta ah ee caddawga, iyo in ay muujiyan geesinimo.
Hadalka ayaa xambaarsanaa fariin miisaan culus leh, oo muujinaysa in Tehran ay doorbidayso xasillooni iyo wada-noolaansho, hase yeeshee aysan marnaba oggolaan doonin in lagu xadgudbo madaxbannaanideeda iyo danaha qaranka.
Xilli gobolka uu wajahayo hirar kacsanaan siyaasadeed, bayaan-kan wuxuu u muuqdaa mid isku dheelli-tiraya laba aragtiyood: ka fogaanshaha dagaal toos ah iyo adkaysiga mabda’a qaran ee aan gorgortan geli karin.

