Israa’iil oo 12 shaqaale caafimaad ah ku dishay Lubnaan

Duqeyn ay Israa’iil ku qaaday xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Lubnaan ayaa dishay 12 shaqaale caafimaad, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan. Weerarkan oo dhacay fiidkii Jimcaha ayaa ka dhacay tuulada Burj Qalaouiyah ee degmada Bint Jbeil.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan, dhakhaatiirtan iyo kalkaaliyayaashan ayaa la socday ambalaas.

Xasuuqan ayaa la mid ah weerarradii joogtada ahaa ee Israa’iil ku bartilmaameedsanaysay dhakhaatiirta iyo isbitaallada Gaza, taas oo burburisay nidaamka caafimaadka ee Gaza intii lagu jiray dagaalka ka socda halkaas, isla markaana ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Weerarada Israa’iil ayaa ilaa hadda dilay 18 shaqaale ambalaas, iyadoo guud ahaan 773 qof lagu dilay Lubnaan tan iyo markii dagaallada u dhexeeya Hezbollah iyo Israa’iil dib u bilowdeen 2-da Maarso, kadib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerar ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo, taas oo dagaalka ku fidisay qaybo badan oo gobolka ah.

Sida ay werisay Al Jazeera oo kasoo waramaysa Beirut, tirada shaqaalaha caafimaadka ee dhintay weli waa mid hordhac ah maadaama kooxaha gurmadku ay weli raadinayaan dad maqan.

“Waxaad arki kartaa sida ay u halis badan yihiin qaar ka mid ah duqeymahan gaarka ah, ma aha oo kaliya koonfurta, balse sidoo kale duqeymo ayaa ka dhacaya caasimadda Beirut,” ayay tiri weriye Heidi Pett.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tani ay tahay weerarkii labaad ee lagu qaado qaybta caafimaadka saacado gudahood, kadib markii weerar kale oo Israa’iil ku qaaday tuulada Souaneh uu dilay laba shaqaale ambalaas isla markaana dhaawacay shan qof.

Wasaaraddu waxay cambaareysay weerarka waxayna ku tilmaantay beegsi sii socda oo lagu hayo shaqaalaha caafimaadka.

Sidoo kale ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay duqeyn Israa’iil ku qaaday Taamir Haret Saida ee koonfurta dalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Lubnaan.

Dhanka kale, Hezbollah ayaa sheegtay inay habeenkii ay weerartay drones isqarxinaya oo ay ku bartilmaameedsatay ciidamo Israa’iili ah oo ku sugan magaalada Ya’ara ee waqooyiga Israa’iil. Tani waxay ahayd howlgalkii milatari ee 24-aad ee kooxda ay shaaciso maalinta Jimcaha.

Kooxda hubeysan ee Lubnaan waxay sidoo kale sheegtay inay gantaallo ku garaacday askar Israa’iili ah oo ku sugan koonfurta Lubnaan, weerarro ka dhacay Kfar Kila iyo Khiam.

Hoggaamiyaha Hezbollah Naim Qassem ayaa sheegay in kooxdiisu diyaar u tahay iska horimaad dheer oo ay la gasho Israa’iil.

Heemaalnews

Related posts

Hamas waxay Iran ugu baaqday inay joojiso weerarrada ka dhanka ah dalalka Khaliijka, iyadoo cambaareysay gardarrada ka dhanka ah Tehran

Trump oo ku goodiyey dagaal dheer kadib burburintii Iiraan ee 5 dayaaradood

Iiraan oo wadnaha ka toogatay Maraykanka, shan diyaardood oo shiidaalka siiya dayaaradaha dagaalka ku burburisay Sacuudiga