Ciidanka Israa’iil ayaa maanta ka hor istaagay Baadariga Kaniisadda Katooliga ee ku taal Qudus , Pierbattista Pizzaballa inuu gudaha u galo kaniisadda oo lagu qabto dabaal-degga ciidda Easter, tallaabadan oo ka caraysiisay kaniisadaha katooliga ee caalamka, halka hoggaamiyeyaasha sida ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo madaxweynaha Faransiiska ay uga digeen Israa’iil inaysan dab ku ciyaarin oo aysan kicin masiixiyiinta.
Balse, wax walba waxaa dab ku shiday kaniisada ku taal Qudus, oo dhacdadaan ku sheegtay mid aan qarniyo dhicin iyo hadda Qudus inay isku rogtay magaalo ay indhaha ku hayaan balaayiin qof oo Muslim iyo masiixiyiin ah, sabab la xiriirta inay horey Israa’iil u xirtay masjidka Al-Aqsa oo ka mid ah goobaha ugu barakada badan ee Islaamka, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo warbixinta ay baahisay lagu soo daray in xaaladda isku midka ah ee Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ay dab aan la damin karin ku noqon karto Israa’iil oo go’aamadeeda sabab uga dhigaysa dagaalka socda.
Dhinaca kale Ciidanka ISRAEL, ayaa ku baaqay in guryaha hoosta laga xidho oo aan la soo bixin. Waxaa jirta halis ka timidaaday warshadihii !ran duqaysay ee Niyoot Hovav. Warshadaha qaarkood ayay kiimiko halis ah ku kaydsanayd.
Britain Oo Qorsheynaysa Inay Maraakiib Dagaal u Dirto Gacanka Hormuz.
Britain ayaa qorsheynaysa in ay u dirto markab ka tirsan Ciidanka Badda Boqortooyada (Royal Navy) Gacanka Hormuz, kaasoo ku qalabeysan droonno is-maamul ah oo loogu talagalay in lagu ogaado laguna nadiifiyo minooyinka, sida uu sheegay Sunday Times Sabtidii.
Toddobaadkii hore, wasiirrada Britain ayaa shaaca ka qaaday in RFA Lyme Bay, oo ah markab badeed qaadi kara howlgallo isku dhafan oo badda iyo dhulka ah, isla markaana ka tirsan howlgallada badda ee Britain, oo hada dayactir ahaan u jooga Gibraltar, oo ah goob istiraatiiji ah, oo ku taal koonfurta Spain balse ah dhul hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiska, ayaa loo adeegsan doonaa tababaro iyo layliyo milateri ka hor inta aan markabka loo dirin howlgalka Gacanka Hormuz.
X𝘂𝗯𝗶𝗻 𝗸𝗮 𝘁𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻 𝗕𝗮𝗮𝗿𝗹𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗬𝘂𝗿𝘂𝗯 𝗼𝗼 𝗮𝘀𝗮𝗹 𝗙𝗮𝗹𝗮𝘀𝘁𝗶𝗶𝗻𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗿 𝗶𝘀𝘁𝗮𝗮𝗴𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗳𝗮𝗿 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗖𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮
Rima Hassan, oo ah xubin Faransiis ah oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub asal ahaan kaso jeeda Falastiin, ayaa habeenkii sabtida laga hor istaagay safar ay ku tegi lahayd Canada saacado ka hor xiligii duulimaadka la qorsheeyay.
Hassan ayaa ku qortay barteeda X: “Waxaa la iga hor istaagay safarka Canada: waa carqalad welwel gelinaysa shaqada baarlamaanka iyo xorriyadda hadalka.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac caalami ah, iyadoo siyaasiyiinta iyo bulshada Falastiiniyiinta ay arrintan u arkaan hanjabaad iyo xadgudub ku saabsan shaqada dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.