Warar dheeraad ah ayaa hadda ka soo baxaya geerida madaxii sirdoonka Iiraan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz iyo Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheeganayaan mas’uuliyadda dilkii Majid Khademi.
Ciidanka Difaaca Cirka ee Iiraan ayaa Telegram ku qoray in dilkiisu uu yahay “dharbaaxo kale oo daran” oo soo gaartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).
Marka ay timaado in Iiraan ay qirato dhimashada taliyayaasheeda sare ku dhintay dagaalka, inta badan tusaalooyinka waxaa ka mid ah Iiraan oo xaqiijinaysa dhimashadooda ka dib markii Israa’iil ama Mareykanku ay sheegteen mas’uuliyadda. Si kastaba ha ahaatee, markan Iiraan ayaa hore u shaacisay.
Khademi waxaa loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka IRGC afar maalmood ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay, Mohammad Kazemi, lagu dilay weerar Israa’iil ay ku qaadday Iiran 15-kii Juun 2025.
Bishii Agoosto ee sannadkii hore, Khademi wuxuu ku boorriyay baarlamaanka inay mudnaanta siiyaan dhammaystirka shabakadda gudaha, isagoo sheegay in loo baahan yahay si loo “ilaaliyo madaxbannaanida” shabakadda internetka ee Iiraan.
Iiraan hadda waxaa ka go’an internetka tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, inkastoo qaar ka mid ah mareegaha iyo barnaamijyada gudaha ay weli ka furan yihiin gudaha dalka.
Maxay tahay jawaabta ay Iiraan diyaarsatay inay ka bixiso soo afjaridda dagaalka
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in la diyaariyay jawaabtii la siin lahaa dhexdhexaadiyeyaasha ka shaqaynaya soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil iyo Iran.
Arrintan ayaa daba socota warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, waxayna sheegaysaa in Pakistan ay door weyn ka qaadanayso diyaarinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Esmail Baghaei oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee IRNA ayaa sheegay in qorshaha ka kooban 15-ka qodob ee uu garwadeenka ka yahay Maraykanku “uusan ahayn mid aynaan sinaba u aqbalaynin”.
Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada lagu soo afjarayo qalalaasaha ay yihiin “kuwo aan waafaqsanayn shuruudaha ugu dambeeya iyo hanjabaadaha dembiyada dagaalka,” ka dib digniintii Trump ee ahayd in Maraykanku uu beegsan doono kaabayaasha rayidka ee Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.
Taa baddalkeeda, wuxuu sheegay in Iran ay soo aruurisay dalabyo “ku saleysan danaheena iyo fikradaheena”. “Bilowgii waanu garanaynay waxa aan rabno iyo khadadka cas ee aanan raali ka ahayn in aan ka gudubno, mawqifkayagu wuu caddaa ilaa hadda. Laga soo bilaabo markii ay dooddani bilaabantay jawaabteenu waxay ahayd diyaar,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Iran ay diyaarisay jawaabteeda “ayna bixin doonto faahfaahinta wakhtiga ku habboon”.