Israa’iil Oo Mareykanka ku wargelisay inay kaligeed weerarri doonto Iiraan Hadii..

by Heemaal
0 minutes read

Wargeyska Jerusalem Post ayaa maanta ku warramay Israa’iil inay Mareykanka ku wargelisay inay kaligeed weerarri doonto Iiraan, sabab la xiriirta inay wali Israa’iil u aragto khatar jiritaan barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Iiraan , isla markaana ciidanka Israa’iil uu heegan buuxa ku jiro.

Warbixintan ayaa lagu sheegay inay Israa’iil hiigsanayso in ay baabi’iso awoodda gantaallada Iiraan iyo kaabayaasheeda wax-soo-saarka, arrintaas oo si cad loogu gudbiyay Mareykanka intii lagu jiray kulammo heer sare ah oo dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay, halkaas oo saraakiil militari ay ku soo bandhigeen fikrado iyo qorshayaal hawlgal.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.