Israa’iil oo Sheegtay inay la Wareegeyso Qeyb ka Mid ah Dhulka Lubnaan.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidankiisu ay la wareegi doonaan gacan ku haynta koonfurta Lubnaan ilaa wabiga Litani, ilaa inta laga saarayo khatarta Xisbullaah.

Katz waxa uu sheegay in ciidamadu ay samayn doonaan aag ammaan ah ilaa wabiga Litani, oo qiyaastii 30km (19 mayl) u jira xudduudda Lubnaan iyo Israa’iil, dadka barakacayna aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu laabtaan waqooyiga Israa’iil.

Shan buundooyinka ka mid ah “oo ay Xisbullah u adeegsatay marinka argagixisada iyo hubka” ayaa la qarxiyay, ayuu yiri.

Tani waa qirashadii ugu horreysay oo toos ah oo ku saabsan qorshaha Israa’iil ay ku doonayso inay ku qabsato qiyaastii meel ka mid ah dhulka Lubnaan.

Related posts

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.

“Dalalka Carabta waa Inay Xoojiyaan Iskaashiga ISRL.”Taliye kuxigenka Booliska Dubai