Israel oo Dhaleeceysay Wiilka uu Soddoga u yahay Madaxweyne Trump

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Israel oo weerar afka ah ku qaaday wiilka uu sodoga u yahay Madaxwayne Donald Trump oo lagu magacaabo Jaired Kushner waxayna ku eedeysay inuu yahay shaqaale carbeed uuna ka shaqeeyo maslaxada carabta badalkii danaha Israel.

Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen in uu lahaa qorshaha in dalalka Qatar iyo Turkey loogu soo daray barnaamijka gudiga Nabadaynta caalamiga ah ee Gazza , dalalkaaasoo Israel ay u aragto kuwa aan saaxiib ahayn.

Israel ayaa sheegtay aan lagala tashan gudigan isla markaana aysan marna aqbali doonin.

Wiilkan sodoga u yahay Madaxwayne Trump ayaa ah wakiilka wada xaajoodka Dowlada Mareykanka ee dalalka bariga dhexe, wuxuu la shaqeeya Steve witkof oo ah madaxa ugu sareeya ee xilsaaran arimaha bariga dhexe.

Kushner, Wuxuu aad ugu soo horjeestay godoomintiin Gazza isagoo ka dalbaday Israel in la furo marinka Rafah si gargaarka loo geliyo gudaha Gazza oo xaalad daran ay ka jirtay, dalab ay iska diiday Israel.

Imika waxay leedahay wuu aargudanayaa. Xiisada labada dhinac ayaa sare u kacsan

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.