Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay duqeeyeen goob lagu horumariyo hubka nukliyeerka oo ku taalla magaalada Tehran ee dalka Iran, intii lagu gudo jiray weerarro dhacay “maalmihii la soo dhaafay”.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa warar dheeraad ah oo arrintan ku saabsan wax yar ka dib.
Sidoo kale Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen “mowjad ballaaran” oo weeraro ah oo ka dhan ah Iiraan.
Weeraradan ayaa bartilmaameedsanaya kaabayaasha dhaqaalaha ee dowladda Iiraan ee ku baahsan dalka oo dhan, sida ay ku sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil qoraal ay soo dhigeen barta Telegram-ka.