Israel Oo Ugu Baaqday Ha’ayada UNICEF iney ka Hadasho Weerarada Iiraan Shacabka ku Beegsato

ISRL ayaa ugu baaqday Ha’ayada UNICEF iney ka hadasho oo ay si adag u cambaareeyso weerarada gantaalaha Iiraan.

War saxaafadeed ay soo saartey Wasaarada Arrimaha Dibada ISRL ayaa lagu yidhi “ISRL waxay ugu baaqaysaa UNICEF iney hadasho oo ay si adag u cambaareeyso weerarada gantaalaha ee Xukumada Iiraan ay sida ulakac ah u geysanayso, weeradaaas oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah gaar ahaan caruurta.”

ISRL waxay sheegtay in !ran ay adeegsatey gantaalo ballistic ah oo wata madaxyo badan, kuwaasoo geysanaya waxyeelo aan kala sooc lahayn, waxayna intaasi raaciyeen in caruurta ay tahay dadka sida daran gantaalaha ugu waxyeeloobay.

War saxaafadeedka Wasaarada Arrimaha Dibada ISRL oo sii socda waxaa lagu yidhi. “Ilaa hada 18 caruura iyo dhalaan iskugu jira ayaa ku dhaawacmay gantaalaha Iiraan, gabadh 5 jir ah ayay xaaladeedu halis tahay, wiil 10 jir ah iyo mid 12 jir ah ayaa si daran u dhaawacmay, sedex walaalo ah oo da’doodu tahay 13, 15 iyo 16 ayaa ku dhintey.”

Related posts

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.

“Dalalka Carabta waa Inay Xoojiyaan Iskaashiga ISRL.”Taliye kuxigenka Booliska Dubai