Israa’iil ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday heshiisyada ay la galayso Somaliland inaysan qeyb ka ahayn dadka Qasa in loo masaafuriyo gudaha Somaliland ,
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar oo xalay waraysi gaar ah siiyay telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 14, markii la waydiiyay inay Somaliland u rarayaan dadka reer Qasa ayaa sheegay in arrintaas aysan waxba ka jirin.
“Kuma jirto heshiiska u dhaxeeya Israa’iil iyo Somaliland, wax la xiriira in dadka Qasa la geeyo Somaliland.” Ayuu wasiirka
Wuxuu intaa ku daray in heshiisyada Israa’iil iyo Somaliland ay diiradda saarayaan arrimaha siyaasadda , amniga iyo iskaashi guud ee labada dhinac.
Dalalka Carabta qaarkood iyo dowlada Somalia ayaa ku eedeeyey Israel iney aqoonsiga Somaliland ay ka leedahay dano qarsoon oo ay ku jirto in shacabka Falastiin ee ku nool Gaza loo soo raro dhulka uu ka taliyo maamulkan.
Somaliland ayaa dhowaan dhankeeda isska fogaysay arrintaasi, inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in qodobkaasi qayb ka ahaa saddex qodob oo ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Somaliland.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

