Isra’il oo sheegtay in uu dhamaaday wajigii koowaad ee dagaalka Iiraan, lana bilaabay mid cusub

Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Israa’iil, Janaraal Eyal Zamir, ayaa sheegay in howlgalkii milateri ee ka dhanka ahaa Iran uu galay marxalad cusub ka dib weerarradii bilowga ahaa ee hawada lagu fuliyay. Waxa uu sheegay in howlgalku ka gudbay heerkii hore ee weerarrada yaabka lahaa, islamarkaana guulo laga gaaray joojinta nidaamka difaaca hawada ee Iran iyo qaybaha gantaallada ballistic-ka.

Janaraal Zamir ayaa intaa ku daray in ciidamada hadda ay qorsheynayaan inay xoojiyaan weerarada si ay u bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Iran iyo awoodaha milateri, oo ay ku jiraan xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo qaab-dhismeedka ciidanka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in tallaabooyin dheeraad ah oo yaab leh la qaadi doono, taasoo muujinaysa in marxaladani ay noqon karto mid aad u ballaadhan oo leh dhowr weji.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalladii bilowga ahaa, oo loo yaqaan Operation Roaring Lion, ay ku guuleysteen in laga takhaluso qiyaastii 80% nidaamyada difaaca hawada ee Iran iyo in ka badan 60% goobaha lagu tuuro gantaallada ballistik. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in awooddeeda hawada la sare u qaaday, taasoo u suurta gelisay inay si joogto ah u fuliso weeraro kala duwan.

Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalkan uu yahay iskaashi milateri oo u dhexeeya Israa’iil iyo Maraykanka, waxaana lagu sheegay in qorshuhu yahay in la daciifiyo awoodda milateri ee Iran iyo in la yareeyo awoodda Iran ay ku weerarto dalkooda ama deriska gobolka.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan