Iswiidhan Oo taageero u muujineysaa Denmark, Kana Hor Timid Damaca Trump

by Heemaal
1 minutes read

“Waa Denmark iyo Grønland kaliya oo leh xaqa go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira Denmark iyo Grønland. Iswiidhan waxay si buuxda taageertaa deriskeena,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Iswiidhan, Ulf Kristersson, isagoo qoraal ka soo saaray barta X (Twitter).

Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka “u baahan yahay Grønland,” wuxuuna dhowr jeer ka hor sheegay arrin la mid ah.

Ra’iisul Wasaaraha Denmark ayaa si degdeg ah uga jawaabay hadalka Trump, iyada  muujisaay falcelin xooggan.

Hadalkan uu Ulf Kristersson ku taageeray Denmark wuxuu muujinayaa taageerada Iswiidhan ee arrimaha ka dhex jira Denmark iyo Grønland, oo ah arrimo ay ku egtahay madax-bannaanida iyo go’aan qaadashada gudaha labadaas waddan. Tani waxay sidoo kale muujinaysaa in dalalka Nordic (Iswiidhan, Norwey, Denmark, iyo Finland) ay si dhow u wada shaqeeyaan marka ay timaado arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.