Itoobiya, Israel, Sacuudiga iyo Kuwait oo Ka Shiray Xaaladda Bariga Dhexe iyo Dagaalka socda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Hadera Abera, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay diblomaasiyiin ka socday Israa11l, Sacuudi Carabiya iyo Kuway, Kulamadaas oo diiradda lagu saaray xidhiidhka laba-geesoodka ah iyo xaaladda gobolka, iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay sii xoogaysanayso.

Kulamadan ayaa imanaya xilli uu sii kululaanayo khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa11l dhinac, iyo Iiraa*n dhinaca kale. Iira*an ayaa la sheegay inay weerarro ku beegsanayso dalal badan oo loo arko inay xulafo la yihiin Maraykanka ee gobolka.

Intii lagu jiray kulan ka dhacay xafiiskiisa oo ku yaalla Addis Ababa, Hadera Abera waxa uu la kulmay Avraham Neguise, Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Related posts

Imaaraadka:-Diyaaradaha Dronka Iran Oo Duqeeyay Warshad ugu Wayn Bariga Dhexe Ee Shidaalka sifeeysa

Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti Oo soo Saartay Digniin Amni.

Xoghayaha Gollaha sare ee Amniga Iran Oo War kasoo Saaray Marin Biyoodka Hormuz