Itoobiya Oo Saxiixday Heshiis dadka Itoobiyanka ah Fursad Shaqo Loogu Dirayo Canada.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Xirfadaha iyo shaqada ee Itoobiya ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis dadka Itoobiyanka ah u sahlaya in Canada loo diro, iyadoo marka hore la siinnayo tababaro.

Tababarka ayaa mudnaan lagu siin doona dadka wax bartay, hadana cidkasta xirfad ama hal abbuur kale leh way is diwaan galin kartaa. Wasaaradda ayaa sheegtay in ay jiraan kooxo badan oo suuqa maddaw ah, kuwaas oo dhaha waxaan idiin qaadayna Canada. Dadka ayaa looga digay in aysan ku dhicin dabinada noocas ah.

Fursadan ma aha mid Itoobiya ku kooban, balse Canada ayaa doonnaysa in ay hesho cudud xirfad leh oo tababaran. Wuxuu xafiisku sheegay in xiliga diwaan galinta la bilaabo laga shaacin doono warbaahinta Dowladda.