Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos (PhD), ayaa sheegay in dalabka Itoobiya ee helitaanka marin badeed hadda loo wajahayo si ka tarjumaya hannaan diblomaasiyadeed oo la aqbali karo, isla markaana dadaallada socda ay xoogga saarayaan sidii arrintan si wada-jir ah loo hirgelin lahaa.
Wasiirku hadalkan wuxuu ka jeediyay kalfadhigii 6-aad ee caadiga ahaa ee Golaha Wakiillada Shacabka ee 6-aad, oo dhacay 30-kii Diseembar 2025, halkaas oo uu kaga jawaabayay su’aalo ay xildhibaanadu ka weydiiyeen hammiga badeed ee dalka Itoobiya iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee la xiriira.
Gedion Timotheos wuxuu ku tilmaamay raadinta Itoobiya ee marin badeed arrin qaran oo jiilal badan taabanaysa, kana sarreysa hal dowlad ama hal xisbi siyaasadeed, wuxuuna adkeeyay in arrintani weli tahay mudnaan qaran oo la wadaago.
Wuxuu xusay in Itoobiyaanka ku sugan gudaha iyo dibadda dalka, iyo sidoo kale safaaradaha Itoobiya, ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan horumarinta helitaanka marin badeed ee dalka, isagoo tilmaamay in hawlaha diblomaasiyadeed ee hadda socda ay muujinayaan “calaamado dhiirrigelin leh.”
Wasiirku sidoo kale wuxuu u mahadceliyay muwaadiniinta ku dooday helitaanka marin badeed ee Itoobiya iyagoo adeegsanaya warbaahinta, inkastoo uu sheegay in aysan helin taageero toos ah oo dowladeed, isagoo ku tilmaamay ka-qaybgalka dadweynaha mid lama huraan u ah ilaalinta danaha qaran.
Hadalka wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kusoo beegmay, iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay heshiiskii dhinaca Badda oo ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland, heshiiskaas oo socon waayay kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid.
Itoobiya weli ma sheegin in ay ka baxday heshiiskaas, inkastoo ay hoos u dhigtay fulinta qodobada heshiiska ku xusan. Waxaa xusid, Itoobiya kama aysan mid ahayn liiska dalalkii ka horyimid aqoonsiga Israaiil ee Somaliland.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

