Jabuuti oo Ciidamo dhigtay Bab al-Mandab ka dib Hanjabaadii Xuutiyiinta.

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay billowday howlgal lagu xoojinayo amniga badda iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada maraakiibta ee marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

Howlgalkan ayaa imanaya xilli ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee waqooyiga Yemen ay ka digeen inay joojin karaan isu socodka maraakiibta ganacsiga haddii Iiraan ay bixiso amar ama talo arrintaas la xiriirta.

Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa sheegay in ciidamadooda badda ay kordhinayaan howlgalada ilaalada si loo sugo ammaanka Gacanka iyo marinnada muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Marinka Bab al-Mandab waa marin aad u muhiim ah oo qiyaastii 12% shidaalka adduunka laga qaado uu maro, taasoo ka dhigaysa meel xasaasi ah oo si weyn u saameyn karta ganacsiga caalamiga ah haddii uu qalalaase ka dhaco.

Dhanka kale, marinka Hormuz ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee cusub ee saadka shidaalka, kadib markii ay xiisado ka taagan yihiin gobolka. Iiraan ayaa marar badan sheegtay in haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraraan xarumaheeda shidaalka, ay si buuxda u xirmi doonaan marinnada Strait of Hormuz iyo Bab al-Mandab.

Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga marinada badda ee ugu muhiimsan dunida, iyadoo khubaradu ka digayaan in hakad ku yimaada marinadan uu si toos ah u saameyn karo qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha caalamka.

Related posts

136 Mudane Ee katirsan baarlamaanka DFS Oo Ugu Baaqay Xassan Sheikh inuu joojiyo Duulaanka Koonfur Galbeed.

Dibadbaxayaal Careysan oo Sawirada Xasan Sheekh ka fujiyay Darbiyada iyo Goobaha Muhiimka ah Ee Baydhabo..

War Hadda kasoo Yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan.