Jabuuti Oo Saaka Looga Dareeray Doorashada Madxtinimada.(Sawiro)

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dalka Jabuuti waxa maanta oo Jimce ah looga dareeray Doorashada Madaxtinimo ee sanadkan 2026-ka.

Doorashadan ayaa waxa ku loolamaya labba Musharax, waxaana ugu cadcad Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo ay wehelinayso Marwada Qaranka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd ayaa codkooda dhiibtay.

Ismaacil ayaa Jabuuti soo xukumayay tan iyo 1999-kii. Goobaha codaynta ayaa galabta soo xidhmi doona.

Si Live ah ayaanu idinku soo gudbin doona wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Madaxtinimo ee Jabuuti iyo Natiijada hordhaca ah ee Wasiirka Arrimaha guduhu shaacin doono Ilaa natiijada rasmiga ah.