Jamie Carragher Oo Ka Hadalay Mustaqbalka Mahamed Salah

by Heemaal
1 minutes read

Halyeeyga Kooxda Liverpool, Jamie Carragher, ayaa Maqaal uu ku Qoray Jariidada The Telegraph Ka Sheegay In Mohamed Salah uu Sii Joogi Doono Liverpool Bisha Febraayo, Laakiin Uu U Muuqdo Mid Ka Tagi Doona Kooxda Xagaaga Soo Socda.

Carragher ayaa sheegay in dhaawaca weyn ee Alexander Isak (oo lugta ka jabay) uu ku qasbayo kooxda inay sii haysato Mohamed Salah inta lagu jiro suuqa xagaaga, maadaama aysan awoodin inay lumiso xiddig kale oo muhiim ah xaga weerarka.

Sida uu sheegay Carragher, tartanka Koobka Qarammada Afrika (AFCON) ee uu Salah hadda u aaday xulka Masar ayaa yimid xilli ku habboon, si loo qaboojiyo xiisaddii iyo khilaafkii ka dhashay isku-dhacyadii dhexmaray isaga iyo maamulka kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan.

Carragher ayaa aaminsan in dhowrka bilood ee ka dhiman xilli ciyaareedka ay noqon doonaan “macsalaameyn dheer” oo loogu diyaar garoobayo bixitaanka Salah, isagoo ku taliyay in ciyaarta ugu dambaysa ee xilli-ciyaareedkan loo qabanqaabiyo sagootin dareen leh oo loogu talagalay mid ka mid ah xiddigaha ugu weyn taariikhda Liverpool iyo horyaalka Premier League.

Inkastoo Salah uu hadda maqan yahay, su’aal weyn ayaa weli laga qabaa doorka uu ku yeelan doono qorshaha tababare Arne Slot marka uu ka soo laabto AFCON, gaar ahaan haddii la xaqiijiyo inuu xagaaga u dhaqaaqayo horyaalka Sacuudiga ama meel kale.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.