Warbixin cusub oo la xiriirta qiimeynta awoodda ciidan ee dalalka Qaaradda Afrika ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka mid tahay 10-ka dal ee milatari ahaan ugu liita Afrika sanadkan 2026, iyadoo ku jirta kaalinta 137-aad ee caalamka.
Qiimeyntan oo lagu saleeyay Global Power Index, ayaa lagu eegaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin tirada ciidanka la heli karo, qalabka iyo hubka militari, awoodda dhaqaale ee taageerta difaaca, iyo heerka kaabeyaasha amniga.
Sida ku cad xogta la soo bandhigay, Soomaaliya ayaa heshay Power Index ah 3.7393, taas oo ka dhigeysa mid ka hooseysa dalal badan oo Afrikaan ah, islamarkaana muujinaysa caqabado weli ka jira dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.
Warbixintu waxay tilmaantay in Soomaaliya ay haysato dad ku dhow 3 milyan oo noqon kara ciidan, hase yeeshee tiradaas badan kama tarjumeyso awood ciidan oo buuxda, maadaama ay weli jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin tababar la’aan, qalab xaddidan, iyo ku tiirsanaanta taageero dibadeed.
Dalalka kale ee Soomaaliya la wadaaga liiskan ayaa waxaa ka mid ah Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Liberia, Sierra Leone, Benin, Gabon, Madagascar, Botswana, Burkina Faso iyo Senegal, kuwaas oo dhammaantood lagu tilmaamay inay leeyihiin awood ciidan oo hooseysa marka loo eego dalalka kale ee qaaradda.
Khubaro amni ayaa sheegaya in xaaladda Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirto dagaallada sokeeye ee soo jiitamayay, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo dib-u-dhaca dhismaha hay’adaha amniga qaranka, inkastoo ay jiraan dadaallo lagu horumarinayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa wada qorshayaal lagu xoojinayo awoodda ciidanka, loona wareejinayo mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, taas oo mustaqbalka wax ka beddeli karta qiimeyntan.
Warbixintan ayaa imanaysa xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay dib u dhisto awooddeeda difaac, isla markaana ay ka baxdo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, iyada oo la rajeynayo in sanadaha soo socda ay kor u kacdo darajada milatari ee dalka.
