Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in qaar ka mid ah kuwa xiriirka la leh Maraykanka iyo Israel ay mas’uul ka yihiin dhimashada “kumanaan qof” inta lagu guda jiray toddobaadyo ka mid ah banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda ee ka dhacay dalka.
“Kuwo la xiriira Israel iyo Maraykanka ayaa sababay khasaare weyn oo dilay kumanaan qof intii uu socday kacdoonka,” ayuu Khamenei ku sheegay khudbad uu jeediyay Sabtidii.
Khamenei ayaa si toos ah u eedeeyay labada dal ee Israel iyo Maraykanka, isagoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tilmaamay “dembiye”. Sidoo kale wuxuu yiri, “Kacdoonkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Iran wuxuu ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama Madaxweynaha Maraykanka si toos ah ugu lug lahaa.” Sidaas waxaa werisay warbaahinta rasmiga ah ee Iran.
Maamulka Iran ayaa si isdaba joog ah u tilmaamaya in awoodaha shisheeye ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha, iyagoo Israel iyo Maraykanka ku eedeeyay inay xasilooni darro ka abuureen gudaha dalka. Khamenei ayaa digniin u diray in inkastoo Iran aysan dagaal ka dhex bilaabi doonin xuduudeeda, haddana kuwa uu mas’uul ka dhigo ay la kulmi doonaan cawaaqib. “Dalkayaga dagaal kuma soo jiidi doono, laakiin dambiyeyaasha gudaha iyo dibadda kama fadhiisan doono,” ayuu yiri.
Sida uu sheegay wariyaha Al Jazeera ee Tehran, Resul Serdar Atas, hadallada Khamenei waxay dib u xaqiijinayaan mowqifka muddo dheer uu Iran ku taagnaa, balse waxay sidoo kale soo bandhigeen sheegasho cusub oo ku saabsan tirada dhimashada. “Waxa cusub oo hadalkiisa ka muuqda ayaa ah inuu markii ugu horreysay si cad u sheego tirada dadka dhintay, isaga oo sheegay in kumanaan qof ay dileen banaanbaxayaashii rabshadaha geystay,” ayuu yiri Atas.
Ilaa hadda ma jirto tirakoob rasmi ah oo la xaqiijiyay, hase yeeshee ururka xuquuqda aadanaha ee Maraykanka ku saleysan, HRANA, ayaa sheegaya in 3,000 kale la dilay intii uu socday kacdoonka. Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Iran waxay si guud u aqoonsadeen boqolaal dhimasho, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka.
Khamenei ayaa sheegay in Mareykanka uu kaalin ka duwan ka qaatay kacdoonadan marka loo eego kuwii hore. “Wuxuu sheegay in kacdoonadii hore ay Maraykanku faragelin hoose ku lahaayeen, balse markan Madaxweynaha Mareykanka uu ahaa xudunta qorshahan caalamiga ah ee ka dhanka ah Iran,” ayuu Atas ku daray.
Sidoo kale, Khamenei wuxuu eedeeyay banaanbaxayaasha inay burburiyeen goobo muhiim ah, “oo ay ku jiraan in ka badan 250 masaajid iyo xarumo caafimaad,” ayuu sheegay Atas.
Sida laga soo xigtay dowladda, kacdoonka ayaa markii hore si nabad ah uga bilowday magaalooyin dhowr ah 28-kii December, iyada oo looga cabanayey sicirka sareeya iyo dhibaatooyinka dhaqaale. “Dowladdu waxay aqoonsanaysay dalabaadka dadka iyo dhibaatada ay la kulmayaan,” ayuu yiri Atas, isagoo xusay in hadda maamulka uu sheegay in dibadbaxyadu markii dambe “lagu dhex qasbay rabshadleyda helay amarro ka yimid awoodaha dibadda.”
Mas’uuliyiinta Iran waxay sheegeen in dadka ka qayb qaatay kacdoonka “ay ku qalabeen, ku maalgeliyey, isla markaana lagu tababaray” awoodaha shisheeye, iyadoo Khamenei uu Trump ku sheegay “xudunta qorshahan.”
Warbaahinta semiofficial-ka ah ee Fars News Agency ayaa Sabtidii sheegtay in adeegga fariimaha gaagaaban (SMS) dib loo soo celiyay dalka oo dhan, ka dib siddeed maalmood oo internet-ka ku dhowaad gabi ahaanba la joojiyay.
Atas ayaa xusay in sheegashada Khamenei ay ugu yaraan qayb ahaan la jaanqaadayso qiyaasaha qaar ka mid ah ururada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, kuwaas oo tilmaamaya in tirada dhimashada ay ka badan tahay intii ay si rasmi ah u shaaciyeen mas’uuliyiinta.

