Ilaa toban qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil ka dib weerar gantaalo ah ay ku dhaceen caawa ku soo qaaday caawa Iran,waxaana bur-bur xoogan uu soo gaaray dabaq ku yaala waqooyiga magaaladaasi sida uu sheegay adeegga gurmadka degdegga ah ee dalkaas, Magen David Adom.
Masuuliyiinta Israel ayaa sheegey in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay halis yihiin waxaana uu ku jiro nin oday 82 jir ah oo xaaladdiisu halis tahay, kaas oo uu ku soo dhacay shay culus, halka 3 qof ee kale dhaawacyadoodu fudud yihiin kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay firirka iyo qaraxa gantaalka.”
Adeegga gurmadka ayaa la wadaagay sawirradan laga soo qaaday goobta uu falku ka dhacay.

