Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah kula qaatay haldoorka Puntland ee ku sugan caasimada Garoowe.
Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, iyo doorka Puntland ee Dowladd dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay isbedelada sida xowliga ah uga socda Gobolka.
Madaxweyne Deni ayaa siyaasiyiin & qaybaha bulshada ee uu la kulmay u sheegey in Somalilnd dhulka ay sheeganayso 50% yahay dhul Puntland, isaga oo tilmaamay in gobolka Sanaag ay gebi-ahaan gacanta ku hayso Puntland halka Sool & Cayn uu xusey in ay la shaqaynayaan dadkooda.
In kastoo puntland aysan wali cadynin mowqifkeda Isra,il ee Somaliland ayaa Hadana Xukuumadda Puntland muddooyinkii dambe la kulmaysay cadaadis kaga imaanaya siyaasiyiinta ka soo horjeeda oo doonaya in maamul ahaan loo cambaareeyo go’aankii Israel dowlad madax-banaan ugu aqoonsatay maamulka Somaliland.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ay la yeellanayaan Goleyaasha Dowladda , Siyaasiyiinta, Haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaasi Kasoo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee Dowladda Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo.
-DHAMMAAD-


Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

