Khilaaf ka Dhashay Astaanta Guddiga Maamulaya Gasa.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in astaanta loo soo bandhigay Israa’iil ay tahay “mid gebi ahaanba ka duwan tii la faafiyay fiidnimadii Isniinta”.

“Israa’iil marnaba ma aqbali doonto isticmaalka astaanta Maamulka Falastiin, maamulkaasna ma noqon doono mid kaalin ku leh maamulka Gaza” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza (NCAG)waa guddi ka kooban 15 khabiir (technocrats) oo Falastiiniyiin ah, waxaana la aasaasay bishii hore, iyadoo ay taageerayso hay’ad uu Mareykanku hoggaaminayo oo loogu yeero “Board of Peace”, si ay uga beddesho xamaas maamulka Marinka Gaza oo dagaallo burburiyeen.

Isniintii, NCAG ayaa beddeshay astaanteeda baraha bulshada, iyadoo soo bandhigtay gorgor dahab ah oo calanka Falastiin uu ku dhex yaallo taasoo si weyn ugu eg astaanta Maamulka Falastiin.

Farqiga kaliya ee u dhexeeya labada astaamood waa qoraalka Carabiga ee hoose, halka astaanta guddiga Qaran uu xanbaarsan yahay magaceeda gaaban, halkii ay ka ahaan lahayd erayga “Falastiin”.

Horay, astaanta guddigu wuxuu ahaa shimbir laga sameeyay midabada calanka Falastiin.

Israa’iil ayaa marar badan ku celisay inaysan oggolaan doonin in Maamulka Falastiin uu wax door ah ku yeesho mustaqbalka Gaza.

NCAG, oo uu hoggaaminayo Ali Shaath, oo hore u ahaa wasiir ku xigeen ka tirsan maamulka dawlada falastiin, ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad ka soo jeeda Gaza oo aan xiriir la lahayn ururro siyaasadeed oo Falastiiniyiin ah.

Xamaas, oo maamuleysay Gaza tan iyo 2006, ayaa Isniintii sheegtay inay dhammaystirtay dhammaan diyaargarowgii loogu wareejin lahaa awoodda NCAG.

Xubnaha guddiga cusub, oo toddobaadyadii u dambeeyay shirar ku yeeshay Masar, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda galaan Gaza iyagoo maraya isgoyska Rafah, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda maamulka arrimaha dhulkaas.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.