Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa la xiray kadib markii uu si toos ah u dilay wariye caan ah oo lagu magacaabay Abshir Khaliif Shide Omar, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta iyo warbaahinta Jubaland.
Dilka ayaa ka dhacay fiidnimadii Isniinta, magaalada Kismaayo, ka dib markii muran gaaban uu dhexmaray wariyaha iyo sarkaalkan.
Sababta rasmiga ah ee uu sarkaalka u toogtay wariyaha weli lama oga, baaritaan ayaa socda si loo caddeeyo duruufaha dhacdada.
Afhayeenka Booliska Jubbaland, Kapten Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in sarkaalkan la xiray oo maxkamad la horkeenayo, si caddaalad loo helo.
Marxuum Abshir wuxuu ka soo shaqeeyay Jubbaland TV, Radio Wamo, wuxuuna cameraman ka ahaa shirkadda Hornconnect qeybteedi Kismaayo.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, ehelka iyo wariyeyaasha kale.
Waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay Ciidanka Booliska Jubbaland falcelinta degdegga ah iyo qabashada eedeysaneha.
Geeridan Abshir ayaa u muuqata inay tahay dilkii ugu horreeyay ee wariye sanadkan Soomaaliya, taasoo muujinaysa welwelka ku saabsan badbaadada wariyeyaasha iyo xoriyadda saxaafadda.
Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ku baaqay in kiiska si degdeg ah, hufan oo cadaalad ah loo baaro, loona soo celiyo kalsoonida bulshada.
Soomaaliya weli waa mid ka mid ah dalalka ugu halista badan adduunka ee wariyeyaasha, iyagoo wajahaya dilal, cabsi-gelin, iyo xiritaanno aan sharciyeysneyn.