Koonfur Afrika Oo Dalkeeda ka Caydhisey Diblomaasigii ugu Sarreeyay Israa|il

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Koonfur Afrika ayaa dalkeeda ka caydhisey diblomaasigii ugu sarreeyay Israa|il ee halkaas, kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay xeerarka diblomaasiyadda, isla markaana uu jeediyay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Ariel Seidman, oo ahaa madaxa safaaradda Israa|l ayaa loo jaray “persona non grata amd ‘dalkan lagaama rabo’waxaana lagu amray inuu dalka ka baxo 72 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

Xidhiidhkaka u dhexeeya labada dal ayaa ahaa mid aad u xumaa tan iyo markii Koonfur Afrika ay ku eedeysay Israa|l dambiga xasuuqa ee Falastiiniyiinta kana gudbisay dacwad Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ICJ.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.