Dhul-go’ weyn ayaa ka dhacay gobolka West Bandung oo ku yaalla galbeedka Java, Indonesia, kaas oo sababay khasaare naf iyo mid hantiyeed oo aad u culus. Sida uu sheegay Abdul Muhari, oo ah afhayeenka hay’adda qaranka ee ka hortagga masiibooyinka Indonesia, ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay, halka 82 qof oo kale la la’yahay kadib masiibadaas, iyadoo dadka la weysan yahay loo badinayo iney ku naf waayeen musiibadaas.
Dhul-go’ga ayaa dhacay maalintii Sabtida, waxaana la rumeysan yahay inuu ka dhashay roobab xooggan oo da’ayay muddo dheer, kuwaas oo sababay in carradu jilcanto, buurahana ay soo dumaan. Guryaha dadweynaha, waddooyin iyo kaabeyaasha kale ayaa la burburiyay, taasoo adkaysay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan goobaha ay masiibadu saameysay.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli wada howlgallo baadi-goob iyo samatabixin, inkastoo ay caqabado ka haystaan dhoobo badan, roob sii da’aya, iyo dhul aan sahlaneyn in la maro. Dad badan oo deegaanka ah ayaa barakacay, waxaana loo daadgureeyay xarumo ku-meel-gaar ah.
Musiibadan cusub waxay imanaysaa xilli Indonesia ay horey ula tacaalaysay musiibooyin kale oo isugu jiray dhul-go’ iyo fatahaado bishii hore ka dhacay gobollada Waqooyiga Sumatra, Galbeedka Sumatra iyo Aceh, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 1,170 qof. Arrintan waxay muujinaysaa sida uu dalku ugu nugul yahay masiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan xilliyada roobabka.
Hay’adaha dowladda iyo kuwa gargaarka ayaa ka digaya in halistu weli jirto, iyagoo dadka ku boorinaya inay ka fogaadaan meelaha buuraha ah iyo goobaha khatarta u nugul inta roobabku socdaan, waxaana xusid mudan in jasiiradaha ku yaalla dalka Indonesia oo ah kuwa ugu badan caalamka ay sanad walba ka dhacaan masiibooyin dabiici ah oo iskugu jira, duufaano, folkanooyin, roobab dabeylo wata, dhul gariiro iyo dhibaatooyin kale.

