Kulanka Baarlamaanka oo maalin 3aad fashil ku soo dhamaaday.

by Heemaal
2 minutes read

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la soo xiray, iyadoo buuq iyo ismari-waa hareeyay, maalintii saddexaad oo xiriir ah. Guddoonka Baarlamaanka oo maanta ciidamo dheeri ah geeyay xarunta Golaha ayaan ku guulaysan in dood la galiyo wax-ka-beddelka Dastuurka ee aan weli heshiiska laga gaarin.

Buuq iyo sawaxan xooggan ayaa hareeyay fadhiga, kaddib markii xildhibaanada mucaaradka ay si cad uga hor yimaadeen wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku adkaystay in la bilaabo ka doodista qodobada muranka ka taagan yahay, arrintaas oo dhalisay gacan ka hadal iyo is-qabqabsi.

Ciidamo isugu jira Boolis ayaa la soo geliyay gudaha Baarlamaanka, kuwaas oo xildhibaanada qaarkood bannaanka u saaray. Sidoo kale, dad aan xildhibaano ahayn ayaa lagu arkay kuraasta Golaha, si loo buuxiyo kooramka, maadaama xildhibaano badan laga hor istaagay ka-qaybgalka fadhiyada sida ay sheegeen xildhibaanada mucaaradka ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu arkay muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay, isagoo ay ciidamo ku hor-joogaan gudaha Baarlamaanka. Warbaahinta ayaa laga mamnuucay gudaha Golaha, halka internet-kana la jaray.

“Wax soconaya ma jiraan, wax hagaagayna ma jiraan, mana raalli ka nihin in Dastuurka lagu ciyaaro,” ayay sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada gudaha Baarlamaanka ku sugan, iyagoo sameynaya sawaxan iyo firinbi.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saddex maalmood oo xiriir ah isku dayay inay qabtaan kulan rasmi ah oo looga doodayo arrimaha Dastuurka, gaar ahaan wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka cutubyada 5aad ilaa 9aad, balse dhammaan fadhiyadaasi waxay ku fashilmeen buuq iyo ismari-waa.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa doonayay in dooda la soo gabagabeeyo, isla markaana Isniinta la ansixiyo wax-ka-beddelka Dastuurka, hase yeeshee taas ma suuragelin. Xubnaha labada Aqal ayaa horay loo wargeliyay inay xaadiraan kulamada, marka laga reebo xildhibaano iyo senatarro dhowr fadhi laga ganaaxay ka-qaybgalka fadhiyada, ganaaxyadaas oo ka dhashay kulamadii hore ee buuqa ku fashilmay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.