Wargeyska Isbaanishka ah ee El País ayaa qoraya in adeegyada gurmadka degdegga ah ay weli ka shaqeynayaan goobta shilka, halkaas oo ay ku xayiran yihiin rakaab. Waxa la dhigay isbitaallada 75 qof, kuwaas oo 15 ka mid ah ay si daran u dhaawacmeen. Intaa waxaa dheer, 170 qof ayaa qaba dhaawacyo fudud, halka ay 21 qofna dhinteen.
Shilku wuxuu dhacay markii saddex gaari ama xidhmo oo ka mid ahaa tareenka masaafada dheer ee Iryo 6189, oo ka soo baxay magaalada Malaga 18:40 kuna socday Puerta de Atocha, ay ka baxeen jidka tareenka meel u dhow magaalada Adamuz, kadibna ay ku dhaceen tareen kale oo la yidhaahdo Alvia 2384 oo ay leedahay shirkadda Renfe.
Isku dhaca ayaa ahaa mid aad u xooggan, kaas oo keenay in tareenka kale ee ka yimid Atocha kuna wajahnaa Huelva isaguna uu ka baxo jidka tareenka, arrintaas oo ka dhigtay howlaha samatabbixinta kuwo aad u adag, sida uu qoray wargeyska El País.
Sida uu sheegay wargeyska El Mundo, tareenka Iryo ayaa watay 317 rakaab ah xilliga shilka.

