Waxaa si rasmi ah oo buuxda loo dhaqan geliyay nidaam cusub oo lagu waajibinayo in qof kasta oo ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga qaado lacag dhan $30 doollar, taas oo noqotay lacag qasab ah oo aan laga dhaafin karin rakaab kasta.
Lacagtan ayaa si gaar ah loogu sheegay in ay ku baxeyso adeegyada Port Health iyo shahaadada tallaalka, kuwaas oo looga baahan yahay dhammaan dadka ka baxaya dalka, iyada oo ujeedadu tahay in la hubiyo badbaadada caafimaad ee rakaabka iyo tan guud ahaan bulshada, lana xakameeyo halista cudurrada faafa ee ka gudbi kara xuduudaha.
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha caafimaadka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo ballaaran oo lagu adkeynayo nidaamka caafimaadka ee la xiriira socdaalka, gaar ahaan xilliyada ay kordhaan safarrada caalamiga ah. Waxay intaas ku dareen in shahaadada tallaalka ay muhiim u tahay hubinta in rakaabku u hoggaansan yihiin shuruudaha caafimaad ee caalamiga ah.
Dhinaca kale, rakaab badan oo adeegsanaya garoonka ayaa muujiyay walaac ku saabsan lacagta cusub, iyagoo tilmaamay in ay ku soo aaday xilli ay sare u kaceen kharashaadka safarka, islamarkaana aysan helin wacyigelin hore oo ku filan oo ku saabsan hirgelinta lacagtaas.
Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha arrimaha duulista iyo caafimaadka ayaa ku dooday in inkastoo ujeeddada tallaabadan ay tahay mid caafimaad, haddana loo baahan yahay in si cad loo qeexo adeegyada dhabta ah ee lacagtan lagu bixinayo, lana hubiyo isla-xisaabtan iyo hufnaan.
Tallaabadan cusub ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelato dhammaan rakaabka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde, iyada oo weli la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida rasmiga ah ee lacagta loo qaadayo iyo cidda maamuleysa dakhliga ka soo xaroonaya.