Madaxweynihii xilka laga tuuray laftagareen ayaa inta uusan ka dhoofin magaalada Baydhabo uu magacaabay ku simaha madaxweynaha madaxweynaha Koonfur Galbeed, islamarkaana ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxwaynaha.
Wareegto uu ku saxiixan yahay Laftagareen oo lagu baahiyey barta rasmiga ah ee madaxwtooyada K/Galbeed ayaa Wasiirkii Maaliyadda ee maamulkiisa si ku meel gaar ugu magacaabay madaxweynaha KMG ah ee Maamuulka Koonfur Galbeed isaga oo sii maamuuli doona tan iyo inta doorasho laga qabanayo.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdi Aziz Laftagareen, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynenimo, sida uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook.
Laftagareen ayaa go’aankiisa yimid kadib culeysyo siyaasadeed iyo khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda somaaliya ayaa ka shaqaynaysa in uu Baydhabo la wareego qof ka socda Villa Somalia waxaana ilaa hadda booskan u sharraxan ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan Mukhtaar Roobow, Xasan Eelay iyo Wasiirka Dekeddaha ee Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac

Screenshot
