Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha Israa’iil ay ku buufiyeen tuulooyin ku yaalla koonfurta dalkeeda kiimiko beer oo lagu dilo dhirta, taas oo heerarkeeda ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen kuwo aad khatar u ah, isla markaana halis gelinaya amniga cuntada iyo deegaanka.
Wasaaradaha beeraha iyo deegaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in baaritaanno shaybaaro lagu sameeyay ay xaqiijiyeen in walaxda la buufiyay ay tahay glyphosate, oo ah kiimiko loo adeegsado baabi’inta dhirta, iyada oo qiyaasta laga helay muunado qaar ay gaartay “20 ilaa 30 jeer inta caadi ahaan la oggol yahay”.
Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Cawn, ayaa cambaareeyay buufinta waxa uu ku tilmaamay “walxo sun ah”, isagoo ku sheegay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Lubnaan iyo dambiyo deegaanka iyo caafimaadka ah.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa BBC u sheegay inaysan hayn wax faallo ah oo ay ka bixiyaan arrintan.