Wednesday, April 8, 2026

Lubnaan Oo Sgaacisay Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Ee ka Dhashay Duqaymaha Israel

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 112 qof ay ku dhinteen, halka ay 837 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka fulisay dalkaas maanta oo Arbaco ah.

Tirada khasaaraha ayaa muujinaysa baaxadda weerarrada iyo saameynta ay ku yeesheen dadka rayidka ah, iyadoo xaaladda amni ee dalka ay sii xumaanayso.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shacabka dadkiisa ku dhaliilay in ay ku mashquulsan yihiin cunista Baasto Makaroonida xilli Maraykanku uu Dayax Gacmeed u diray Dayaxa iyo hawada sare.

Museveni waxa uu dalka Uganda soo hoggaaminayey 40 kii sano eee la soo dhaafay, waana mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer qaaradda Afrika.