Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta booqasho ku tegay degmada Aricadeeye ee gobolka Sool, halkaas oo bulshada deegaanka ay kula hadleen, iyagoo gaarsiiyey farriinta midnimada dalka oo shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya ay lafdhabar u yihiin.
Xildhibaano iyo Wasiirro heer federaalka ah, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa qeyb ka ahaa wafdigaan, kuwaas oo shacabka degmada Aricadeeye uga mahadceliyey halgankii ay u galeen midnimada dalka, kuna booriyey inay sii difaacaan wadajirka dalka.
Shacabka Degmada oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa walaalaha Waqooyi Galbeed u diray farriin midnimo, iyagoo ku booriyey inay lasoo midoobaan dadkooda Soomaaliyeed, sidoo kale waxay u mahadceliyeen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo si weyn u garab istaagtay midnimada umadda Soomaaliyeed.

