Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo waraysi siiyey Warbaahinta Sky news Arabic ayaa ka jawaabay laba su’aalood oo laga waydiiyey arrimaha Soomaaliya kuwaas oo kala ahaa
In ay iskaashi amni oo la dagaallanka argagixisada iyo Budhcad baddeedda ay la leeyihiin Soomaaliya iyo in ay yihiin dal ka go’ay Soomaaliya.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in aanay Somaliland ahayn dal ka go’ay Soomaaliya balse ay Somaliland tahay dal jirey ka hor intii aanay xoroobin Soomaaliya.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale xusay in ay jeclaan lahaayeen balse aanu jirin iskaashi amni oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya gaar ahaanna dhinaca Budhcad badeedka iyo la dagaalanka argagaxisada.
Warraysigan oo aanay weli wada baahin Sky News Arabic ayay caawa siidaysay inyar oo hordhac ah.