Macallimad iyo gargaare caalami ah oo u dhalatay dalka Maraykanka, Jessica Buchanan, ayaa faahfaahin ka bixisay waayo-aragnimo argagax leh oo ay la kulantay kaddib markii 93 maalmood afduub loogu hayay gudaha Soomaaliya.
Jessica, oo xilligaas 32 jir ahayd, ayaa la afduubay 25-kii Oktoobar 2011 xilli ay howlo bini’aadannimo ka waday magaalada Galkacyo, kaddib safar shaqo oo ay uga timid Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Afduubka ayaa dhacay iyadoo ay la socotay kolonyo amni, balse waxaa jidka u galay rag hubeysan oo ku labisnaa darees booliis, kuwaas oo iyada iyo nin u dhashay Denmark, Poul Hagen Thisted, ku qasbay inay u kaxeeyaan dhanka koonfurta.
Jessica ayaa sheegtay in intii lagu hayay afduubka ay aragtay carruur aad u da’yar oo hubeysan, kuwaas oo ka mid ahaa kooxaha afduubka. Waxay si gaar ah u xustay wiil 11 jir ah oo watay qori AK-47, kaas oo ay sheegtay in loo tababarayay ganacsiga afduubka iyo madaxfurashada.
“Waxay ahayd wax aan caqli gal ahayn inaan amar ka qaato ilmo 11 jir ah oo mindi qoorta ii saaraya,” ayay tiri Jessica, iyadoo tilmaantay cabsi iyo bahdil joogto ah ay kala kulmeysay afduubayaasha.
Kooxda afduubka ayaa dalbaday $45 milyan oo dollar oo madaxfurasho ah, iyagoo u haystay in ay la mid yihiin burcad-badeedda afduubta maraakiibta ganacsiga. Jessica ayaa sheegtay in tani ay ahayd cabsi weyn, maadaama iyaga ay ahaayeen shaqaale gargaar, aan lahayn awood dhaqaale ama dowlado si fudud u bixin kara lacagtaas.
Intii lagu jiray afduubka, Jessica ayaa sidoo kale la ildarnaatay xanuun culus iyo xaalado nololeed oo aad u liitay. Waxay sheegtay in ay sameysay wicitaankeedii ugu dambeeyay ee bishii Janaayo 2012, iyadoo ka digtay in ay halis ugu jirto dhimasho haddii aan la daaweyn.
“Waxa maskaxdayda ku soo dhacayay oo keliya: ‘Ilaahayow, Ilaahayow, Ilaahayow, mar kale ayaa naloo afduubayaa. Tani waxay u badan tahay Al-Shabaab, mana ka badbaadi doono.’
‘Ma haysto tamar, ma haysto xoog, mana haysto awood aan uga badbaado koox kale. Runtii halkan ayaan ku dhimanayaa.’
‘Si lama filaan ah ayuu qof u qabtay garbaha iyo anqawyadayda, wuxuuna isku dayay inuu iga jiido buste igu duubnaa. Aniguna waan iska celinayay. Markaas ayaan maqlay cod nin dhalinyaro ah oo Maraykan ah, wuxuuna yaqaanay magacayga, wuxuuna igu yiri: “Jessica, waa hagaag. Hadda waad nabad qabtaa.”’
Saacadaha hore ee 25-ka Janaayo 2012, kaddib amar ka soo baxay madaxweynihii Maraykanka Barack Obama, 24 askari oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee US Navy SEALs ayaa habeen mugdi ah diyaarad kaga soo degay meel u dhow xeradii lagu hayay Jessica Buchanan iyo Poul Hagen Thisted.
Howlgalka samatabbixinta ayaa lagu dilay sagaal burcad Soomaaliyeed, halka aysan wax khasaare ah soo gaarin ciidanka Maraykanka, iyada oo Jessica iyo saaxiibkeedna si nabad ah loo badbaadiyay.