Hoggaamiyeyaal ka socda gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa shirar la yeeshay Saraakiil ka tirsan maamuulka madaxweyne Trump kuwaas oo ay kala hadleen sidii looga taageeri lahaa in ay ka go’aan dalka Canada.
Saraakiishan ayaa Trump ka dalbaday in la siiyo deyn 500 bilyan ah, si ay ugu qarash gareeyaan geeddi socodka gobolkaa uu uga go’ayo dalka Canada, iyagoo raadinaya madax bannaani iyo inay noqdaan dal gaar ah, halka ugu dambeyn uu Mareykanka filanayo in gobolkan uu noqdo mid maamul ahaan hoos yimaada, sida ay baahisay CNN.
Warbixinta waxay sheegtay in kooxdan shaqada u qabanaysa Mareykanka lagu magacaabo Alberta Prosperity Project , balse dhaqdhaqaaqan wuxuu ka caraysiiyay dawladda Canada , halka Ra’iisul wasaaraha Canada , Mark Carney uu si cad ugu baaqay Trump inuu ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Canada.
Alberta waa gobol ku yaalla galbeedka Canada, kana mid ah gobollada ugu hodansan shidaalka. Sababtaas awgeed, Alberta waxaa badanaa loogu yeeraa gobolka tamarta, maadaama shidaalka laga soo saaro (oil sands) uu gaarayo ku dhowaad 84% guud ahaan shidaalka ceeriin ee Canada.Baaxaddiisu gobolkan waxay u dhigantaa ku dhowaad gobolka Texas ee Mareykanka.
Gobolkan waxaa ku nool qiyaastii 5 milyan oo qof, wuxuuna martigeliyaa buuraha Rocky Mountains, sidoo kale waxaa ku yaalla goobo dalxiis oo aad loo jecel yahay sida Banff iyo Lake Louise. Si kooban, Alberta waa gobol dhaqaale, tamareed iyo siyaasadeedba miisaan culus leh, taasoo ka dhigaysa mid saameyn weyn ku leh mustaqbalka Canada. Balse marka la tixraaco dhaqdhaqaaqa kooxda Trump, waxay gobolkan u adeegsanayaan kaar cadaadis oo ka dhan ah dawladda Canada— iskuday kasta oo gobolkan uu uga go’ayo Canada , ku dhawaad waqtigan waa mid aan suragal ahayn.

Screenshot
