Madaxa golaha Amniga Iiraan, Oo U Jawaabay Trump Iyo Wararkii Ugu Denbeeyay

Madaxa golaha amniga Iiraan, Cali Larijaani oo ka jawaabaya hadalka ka soo baxay Trump, wuxuu yiri;

•Donald Trump wuxuu yiri: Waxaan hal saac gudaheed ku jari karnaa korontada Iiraan, laakiin sidaas ma aanan sameyn.

Laakiin haddii uu sidaas sameyn lahaa,waxay qaadan lahayd kaliya nus saac in korontadu ka go’do dhammaan gobolka,mugdigaasna wuxuu noqon lahaa fursad lagu daba galo ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka oo baxsanaya, lana ugaarsado.

Dhanka kale Iiraan ayaa ku hanjabtay hadii la taabto goobaheeda korontada in bariga dhexe mugdi noqon doono 30 daqiiqo gudahood. Waa digniintii ugu cuslayd iiraana way awoodaa inay markiiba ka dhabayso hadii la taabto goobaheeda xasaasiga ah waraa jira waxaa laga baqayaa in barigii dhexe ee siraadnaan jiray usu badalo mugdi.

Saldanadda Cummaan ayaa shaaca ka qaadday in aysan marnaba ‘xidhiidh & iskaashi’ la samaynayn Israa|l, sida oo kalena ku biirayn Guddiga Nabadda ee Trump ee uu u sameeyey Falastiin — WanaNews.

Israa’iil ayaa bambooyin culus ku garaacday bartamaha magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan , ka dib duqeymo saacado badan socday oo tan iyo galinkii dambe ee maanta ay ku sheegay in lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha ururka Xisbullah iyo xarumaha xiriirka la leh ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, sida uu weriyey Channel 12.

Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa u sheegay warbaahinta Axios; “ Waxaa suragal ah inuu Trump iska qaato go’aan deg deg oo dagaalka uu ka baxo, waa suragalnimo ay Israa’iil isku diyaarinayso,balse waxaan fileynaa 4 toddobaad oo kale dagaalka inuu sii wado.”

Related posts

Maraykanka iyo IRI warar kala duwan ka soo saaray dayaarad wayn oo ka dhacday Maraykanka

Markabka dagaalka ugu wayn Maraykanka oo gubtay

Warbaahinta Dawlada Iran oo Xaqiijisay in Xaaska Ayatollah Cali Khamenei ay Nooshahay